Siyaasiga Ayaa Waxa Uu Tibaaxay In Haatan Loo Baahanyahay In Yariisoow Uu Xilka
Iska Casilo Hadii Uusan Qancin Karin Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho.
Eng Yariisoow Ayaa Lagu Eedeeyaa Inuu Ku Tagri Falo Awooda Maamulka Iyo Inuu Si
Bareer Ah U Dhaco Hantida Maguurtada Ee Dowladda Iyo Mida Shacabka.
‘’ yariisoow inuu dhaco hantida shacabka waa nasiib daro usoo hoyatay qaranka
soomaaliyeed hadii uusan qancin karin bulshada waa in uu xilka isaga dagaa’’
Siyaasi Nuur Ismaaciil Ayaa Sidoo Kale ka dhawaajiyay In Dhowr Jeer Ay Talooyin
Ay U Jeediyeen Maamulka Sare Ee Gobolka Banaadir Balse Talooyinkoodii Lagu Gacan
Sayray.
‘’hadii uu isaga xilka u qabtay inuu burburiyo caasimada dalka shacabka muqdisho
kama yeeli doonaan shacabka waxaa looga baahanyahay in si isku duubni ay ku
jirto ay u sameeyaan kacdoon shacab oo looga soo horjeedo boobka yariisoow’’
Siyaasiga Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hadlay Cabashooyin Ay Qabaan Shacabka
Muqdisho Ayaa Yiri ‘’waxaa jira kooxo ka howlgala muqdisho oo ka shaqeysta dhaca
iyo dhibaateeynta shacabka ku nool caasimada waxaa yariisow waxaad gudoomiye u
tahay shacabka caasimada hadii aad dhibaateyso dadka aad xilka u heysid ayaa ku
aaminaya dhab ahaantii waa dhamaatay kalsoonidii shacabka muqdisho.
Hadalka Siyaasi Nuur Ismaaciil Sheekh Ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Shacabka
Soomaaliyeed Ay Ka Raja Dhigeen Qaabka Hab Maamuleed Ee Gudoomiye Yariisoow
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Siyaasi Nuur Ismaaciil Shiikh