Home Afsomali Dhageyso Soomaaliland Khilaaf ka dhashay qaabkii loo maareytn lahaa ciyaal dalka...

Dhageyso Soomaaliland Khilaaf ka dhashay qaabkii loo maareytn lahaa ciyaal dalka dibadiisa laga keenay si loo baro dinta islaamka

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa waxaa uu a Hadley 20 hablood oo dhawaan ciidamada Boolisku ay ka soo xidheen iskuul wax lagu bari jiray dadka dhaqan celiska ah.

Waalidiintii ardayda hablaha ah ee dugsigoodii la kala baxay ayaa walaac ka muujiyey in caruurtoodii iyagoo la ogaysiin qaarkood lagu celiyey wadamadii dibadda ee markii hore ka yimaadeen.

Waalidiintii hablaha yaryar ee qurbojooga ah ee dhiganayey dugsiga boodhinka ah ayaa maanta la kulmay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanay ka codsadeen in la tuso caruurtoodii, haseyeeshee waxa uu wasiirku la ballamay inuu tusi doono, halka qaarkood la sheegay in wadamadii ay ka yimaadeen dib loogu celiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Farotoon ayaa sheegay in habluhu siteen jinsiyado wadamo kale, isla markaana habluhu yihiin dhalinyaro iyaga la waydiinayo inay dib u noqdaan iyo inay joogaan, sidaas darteed halkii ay doortaan la gayn doonno.

Wasiir Farotoon ayaa sheegay in kulankii waalidiinta dhexmaray ay isku afgarteen in caruurtooda la kulansiiyo oo ay arkaan, si fiican kulankaasi ugu dhamaaday.

“Waalidiintii iyo anagu kulankii aanu yeelanay si fiican baanu iskugu qancinay, arrintaasi meel wanaagsan ayaanu iskula gaadhnay”ayuu yidhi Wasiir Farotoon oo ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo siday waxani u dhaceen.

Haseyeeshee, waalidiintii hablahan yaryar ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan in caruurtoodii iyagoo la ogaysiin la iska celiyey, waxaanay sheegeen inay wararka ku hayaan in qaarkood dib loo celiyey.

“Ubadkani waa caruur la keenay wadanka si loo dhaqan celiyo loona baro diinta iyo quraanka, waxaanay dhiganayeen iskuul kuwo la seexdo ah (Boarding school), waana hablo da’doodu u dhexeyso 15 jir ilaa 20 jir, laba cisho ka hor ayaanu maqalnay in hablihii meeshii lagala baxay oo mid ka mid ahi hablaha yaryar oo iskuulka ka baxsatay ayaa fariin khaldan gaadhsiisay safaaradoodii, oo ay tidhi meeshan hablaha lagu cadaadiyaa, waxayna soo kaxaysatay dad ajanabi ah taas ayaa keentay in hablihii yaryaraa dugsiga la kala baxo , waxaanu u nimid wasaaradda arrimaha gudaha,w axaanay noo sheegeen in caruurtu wataan jinsiyado kale oo iyagu akhtiyaarka leeyihiin inay halkan joogaan iyo in la celiyo, waxaana nala balameen in caruurta nala tuso afarta galabnimo, inkastoo qaar la sheegay in turtaba la celiyey”ayuu yidhi mid ka mid ah waalidiinta hablaha yaryar

“Mid ka mid ah hablahan yaryar ayaan habo yar u ahay, waxaanu wasiirku noo sheegay in inantayaddii dib loo celiyey iyadoo waalidiinteedii loo sheegin, marka in gaaladu wadankan xukunto iyo in dadkeenu xukumaan ha noo kala cadeeyaan”ayeey tiri hooyo kale.

“waxaa na loo sheegay in inantayadii kow iyo tobanka duhurnimo ka dagayso Denmark, taasina waa dhibaato in anagoo nala ogaysiin inantayadii yarayd la iska dhoofiyo”sidaasna waxay tidhi hooyo kale oo ka walaacsan in inantoodii yarayd dib loo celiyo iyadoo loo sheegin.

Hablahana yaryar ayaa ahaa kuwo qurbo joog ah oo wadanka loo keenay dhaqan celin,isla markaana la barayey quraanka, haseyeeshee waxa ciidanka Booliska iyo saraakiil Ajanabi ah ay dugsigii kala baxeen hablhii waxaanay dajiyeen hoteelo ku yaala magaaladda Hargeysa, waxaanay la sheegay inay hablaha waydiinayaan in qofkii doonaya in la celiyo dib loo celinayo halka qofkii joogayana uu joogi karo.



Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.