Home Afsomali Dhageyso Taliska Ciidanka Bolice-ka oo faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Qarax ka...

Dhageyso Taliska Ciidanka Bolice-ka oo faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho.

G/sare Qaasim Axmed Rooble,fhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Goobta qaraxa ka dhacay Warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in abaara 4: 30 Galabnimo gaari Saruf ah la dhigay Wadada Xaaji baasto si  dadka Soomaliyeed lagu waxyeeleeyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Gaarigaas markii meesha la soo dhigay ay ka warheleen Ciidamada,islamarkaana ay dadaal ku bixiyeen in uusan waxyeelo u geysan dadka Shacabka ah.

Dhanka khasaaraha ayaa waxa uu ku sheegay in ay ku dhaawacmeen 4 Ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliiska Soomaaliya,taasina ay ku timid dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga oo kaashanaya Shacabkooda.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ciidamadu ay had iyo jeer diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan waxkasta oo dhibaato u geysan karta Shacabka,isla markan dadaalkaas lasii wadi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.