Home Afsomali Dhageyso Taliska Ciidanka Xooga dalka oo sheegay in ay qarxiyeen miinooyin gaari...

Dhageyso Taliska Ciidanka Xooga dalka oo sheegay in ay qarxiyeen miinooyin gaari ku rarnaa ka dib howlgalo ay sameeyeen

Amaan-duulaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen qayba ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Cabdulaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay shalay dagaalkii dhacay kula wareegeyn deegaano, Gaadiid dagaal iyo Saanad ciidan, sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay qarxiyeen Qaraxyo Gawaari ku rarnaa oo loo soo waday Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Taliska milatariga sheegeyn in ay guulo gaarayn ayaa wararka madaxbanaan waxay sheegayaan in ay shabaab lagala wareegay oo kaliya deegaanadii ay ku sugnaayeen gelinkii dambe ee shalayna ay Ciidamada dib usoo laabtayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.