Home Afsomali Dhageyso Taliya cusub ee Ciidanka Xoogaoo xilkii kala wareegay taliyihii hore ee...

Dhageyso Taliya cusub ee Ciidanka Xoogaoo xilkii kala wareegay taliyihii hore ee Carfiiq

Munaasabada xil-wareejinta ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi  oo khudbad ka jeediyey xil-wareejinta ayaa ku dardaarmay in si xooggan looga qeyb-qaato dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna guula u rajeeyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey musiibadii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacdey Isgoyska Zoobe, waxa uuna sheegay in tani ay tahay fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyey taliyihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay u taallo howl adag oo u baahan in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, waxa uu xusay in hoggaanka iyo ciidankuba ay gaarsiin doonaan meesha ay maanta joogaan meel ka sareysa, loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay si joogta ah u garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Cabiweli Jaamac Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku aaddan sidii dalka inta ay ka joogaan aragagixisada Al-Shabaab looga xorreyn lahaa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxame Cali Xagaa ayaa munaasabadda xil-wareejinta ah ka jeediyey mahadcelin ku aadan Taliyihii hore ee Xoogga dedaalkiisii ku aaddanaa dhismaha ciidanka iyo Difaaca dalka, dhanka kale waxa uu tilmaamay in taliska cusub looga baahanyaha in ay la yimaadaan hufnaan iyo howl badan, laguna dadaallo mideynta iyo wadajirka ciidanka Xoogga dalka si dalkeenna aan uga saarno dhibaatada amni ee uu ku jiro.

Hoos Ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.