Home Afsomali Dhageyso Taliye ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo Muqdisho lagu toogtay

Dhageyso Taliye ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo Muqdisho lagu toogtay

Duhurnimadii Maanta ayaa Koox hubeysan oo wadatay Gaari NOAH, waxa ay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ku rasaaseeyeen Gaari uu la socday taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida degmada Kaxda kaas oo Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdiraxmaan Qooleey.

Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada Xoosh oo uu falka ka dhacay ayaa  sheegay in Gaariga uu watay taliyaha oo ahaa Gaari yar oo nooca raaxada ah ay kooxda kale oo wadatay gaariga ay rasaas ku fureen kadibna ay Goobta ka baxsadeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay goobjoogaha in taliyaha oo ka yimid dhanka Ex –Koontorool kuna sii jeeday degmada Kaxda sidaasi loo weeraray.

Taliyaha ayaa weerarkaas waxaa ka soo gaaray dhaawac culus,waxaana la sheegay in uu ugu dambeyn ku geeriyooday gudaha Isbitaalka Digfeer oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa todobaadkii la soo dhafay waxaa ka dhacay laba weerar,kana waxa uu noqonayaa weerarkii Saddexaad, waxaana sidoo kale xusid mudan in xalay lagu dilay skari ka tirsan ciidanka dowladda iyo Nin sarifle ah oo la socday.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga Goobjoogaha

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.