Home Afsomali Dhageyso Wararka Galmudug Ahlu sunnah iyo janaraal Galaal oo warakiisa la beeniyey

Dhageyso Wararka Galmudug Ahlu sunnah iyo janaraal Galaal oo warakiisa la beeniyey

Janaraal Maxamed Nuur Galaal,oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidmada Xoogga dalka Soomaaliya hadana hoggaaminaya Xubno iskood isu xilqaamay oo ka Shaqeynaya wadahadalada u dhaxeeya Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa sheegay in wadahadaladaas ay meel fiican marayaan.

Janaraalka  ayaa si guud u faah faahinaya qodobada la isku afgartay ilaa iyo hadda.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna ay qaadan doonaan gudoomiye Baarlamanka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka,Xubnaha labada Aqalna si siman loo qeybsan doono.

Waxaa kaloo ka mid ah in Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada ay ku Shaqeeyaan Magaalada Dhuusa-Mareeb, Xildhibaanadana Cadaado halka Garsoorka uu ku shaqeyn doono Degmada Cabud Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Galmudug oo beenisay Warka soo baxay Janaraal Galaal

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMg,ka ah ee Mamulka Galmudug waxaa shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Wasiirka Warfaafinta dowalad Goboleedka Galmudug Maxamuud Cismaan Masagawa,isaga oo beeniyay war ka soo baxay Janaraal Maxamed Nuur Galaa.

 

 Hadalka Janaraal Maxamad Nuur Galaal ayaa ku soo aadaya xili Maanta deeganka Mareer guur iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada dhuusa-Mareeb ay ku wada dagaalameen Ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.