Home Afsomali Dhageyso Warbixinta  ay soo  bandhigeen 5 ka mid ah Kooxaha mutadawiciinta Gurmadka...

Dhageyso Warbixinta  ay soo  bandhigeen 5 ka mid ah Kooxaha mutadawiciinta Gurmadka qaran ee aruurinayey qasaarihii masiibadii ka dhacday isgoyska Zoobe sida dhimasho dhaawac iyo maqnaasho iyo Bahda Warbaahinta

 

kulan gaar ah oo ay iskuugu yimaadeen qaar ka mid ah madaxda qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayey isku dhaafsadeen macluumaadka figrado iyo waxayka isla garteen qodobo muhiin u ah danta bulshada soomaaliyed .

kulnka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumada 5 ka mid ah kooxaha diiwaan galinayey dadka dhinta ama ka waayey iyo dhaawacyada iyo qasaarooyinka kale ee uu geystay masiibada dadka badani ku dhinteen

hadii aaad doonayso in aaad la xariirto wac Gurmad Qaran teleefanada kala ah 0618888295 Cabdixakiin Caynte ama Garyare 0617885313 u gurmo walaalkaa oo wax ka raaadi inta maqan ee aan lahayn nolol iyo geeri intaba mahadsanidii 

Xogta aad heyso halkaan ku dir si loo diiwaan galiyey 

https://gurmad.so/

Cabdixakiin ceynta oo ku hadlayey Magaca Kooxaha Mutadawiciinta isxilqaantay ayaa warbintaan u gudbiyey dhamaan dhageystayaasha

Agaasimaha tv ga Universal oo ku hadlayey magaca Warwaabinta ayaa aqriyey qodobada lixda ah ee ay si wada jir ah u soo sareen

waxaana ka mdi ahaa

  1. mahad celin guud intii gurmadka ak qeybqaadatay ilaahey ka sokow
  2. in la mideeeyo awooda warbaahineyd fariimaha gurmadkana la wada saaro warbaahinada oo dhan
  3. in qeybaha warbaahintu aysan dhexdhexaad ka noqon difaaca qaranka iyo shacabka soomaaliyeed oo ay ka midoobaan cid kasta oo dhibaato u keeni karta shacabka soomaliyed meelkasta oo ay dunida ka joogaan loona jeesta in la difaaco bulshada soomlaliyeed
  4. in warbaahintu gurmad dhaqaale ku bixiso in kasta oo qaar kood bilaabeen arinta meel ficana mareyso
  5. erey bixinta dhacdadii 14ka octoobar ka dhacday isgoyska Zoobe marka laga hadlaayo la yiraahdo masiibo qaran lagana tago qarax weyn mid yar gaari IWL oo la isla qaato masiibo qaran
  6. in raad raac lagu sameeyo wiilashiid gabdhihii hooyooyinki aabayaashii ay waxyeeladu ka soo gaartay musiibada qaran la ogaado waxa ay haayeen reerahoodii la tago si loo ogaado qofka dhintay,dhaawacmay ama la waayey qofka saxda ah ee uu yahay

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.