Home Afsomali Dhageyso Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada fadaraalka oo Qirtay in daawo dhacday...

Dhageyso Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada fadaraalka oo Qirtay in daawo dhacday ganacsatadu ka soo dajiyaan Dakada Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay in daawooyin dhacay lagasoo dajiyo dekadda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dawooyinka dhaca in laga soo dajiyo Dekadda Magaaladda Muqdisho,islamarkaana mas’uuliyadda  arintaas ay leeyihiin Hay’adaha turkey-ga ee gacanta ku haya Dekadda.

“Waa la soconaa in dawooyin dhacay in la keeno Dekadda magaaladda muqdisho,waxaa Dekadda gacanta ku haya hay’addo Turky-ga laga leeyahay, Muqdisho waxaad arkaysaa Pharmashiyaal lagu gudo daawooyin dhacay, ka wasaaradd ahaan waxaa shaqo ku leenahay Cuntooyinka iyo Daawooyinka laga soo dajiyo Dekaddda, waxaa ka shaqeyn doonaa sidii gacanta dowladda gacanta loogu soo celin lahaa Wax walba oo halkaas kasoo daga”, ayay tiri Fowsiyo Abiikar Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.