Home Afsomali dhageyso Wasiirka Gaashaandhiga oo ka digay in ay alshabaab doonayaan isku...

dhageyso Wasiirka Gaashaandhiga oo ka digay in ay alshabaab doonayaan isku dayo hor leh

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay maleegayaan weeraro cusub.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerar kaste oo Shabaab kaga yimaada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Shabaab ay waddaan qorshayaan cusub oo ka dhan ah dowladda , islamarkaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe cusub.

 Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiirka ka dib markii uu maanta Tababar u furay cutubyo ka tirsan ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan Shabaab ay weerareen Xarumo ku yaalla Muqdisho.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.