C/qani Aadan Gargaar oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee waqtigoodu dhammaaday ayaa ku eedeeyayay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Masuul ka tahay dib u dhaca ku yimid xaraynta odayaasha dhaqanka ee la doonayay in ay soo xulaan Xildhibaanada cusub ee maamul goboleed ka Galmudug.
Waxaana uu sheegay in faragalin lagu samaeeyay odayaashii dhaqanka ee loogu tala galay in ay soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Galmudug.
“ Waxaa ii muuqata Galmudug oo god kusii dhacaysa, ma jiraan ifa-faalo muujinaya in galmudug ay ka dhici doonto doorasho xalaal ah, waxaa jira waxyaabo badan oo u muuqda kuwa aan caqliga gali Karin, cawaaqib xumo ayaa ii muuqata ayna masuul ka yihiin dadka howsho doorashada galmudug loo xil saaray, waxaa wax ka baddal lagu sameeyay odayaashii xildhibaanadii hore soo xulay, xalay oo ugu danbeeysay waxaa ay baddaleen 5 ka mid ah odayaashii la rabay in ay xildhibaanada soo xulaan, taasina waa musuq-maasuq ay ku keceen guddiga doorashada Galmudug, waxaa la baddalaa odayaashii saxda ahaa waxaana booskoodii lagu baddalayaa odayaal aan la aqoon oo si gaar ah loowato” sidaasi waxaa yiri C/qani Adan Gargaar oo ka mid ah xildhibaanadii waqtigoodu dhammaaday ee Galmudug.
Dhanka kale waxaa uu dhaleeceen xoog leh u jeediyay Ahlu-sunna oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin wax yaabaha dib u dhigaya in ay Galmudug doorasho ka dhacdo.
Waxaana uu si gaar ugu eedeyay Ahlu sunna in ay ballamaha ay la galaan Dawladda ay ka baxaan, taasoo muujinaysa in xariirka ka dhexeeya Dawladda iyo Ahlu Sunna uusan wanaagsaneyn, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha.
Hadal kaan ka soo yeeray C,qani Adan Gargaar ayaa imaanaya xilli indhaha lagu wada hayo dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana hadba kasoo baxay Galmudug warar kala duwan, waxaana laga dhursugayaa waxa kasoo bixidoona doorashada la fasriisan doono in ay ka dhacdo Galmudug