Home Afsomali Dhageyso Xildhibaan ay xireen Ciidanka nabadsugida oo Xabsi uu ku jiro...

Dhageyso Xildhibaan ay xireen Ciidanka nabadsugida oo Xabsi uu ku jiro ka soo dhax hadlayo

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku Xayirey Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo ka Tagay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan ayaa ka mid ah Xubnaha ka soo Horjeeda Madaxweyne Shariif Xasan waxa ayna in muddo ah ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho oo sida ay Wararku Sheegayaan ay uga qeyb-galeen Kulamo ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Maanta loo Diiday inay Gudaha ugalaan Magaalada Baydhabo ayaa  Sheegay in Ciidamada Nabad-Sugida ay ku Xad Gudbeen Xasaanada Xildhibaanada waxa uuna Xusay in Xildhibaanada qaar kood la Xiray ka dib markii ay ka Dhaga adeygeen Amarka Ciidamada Nabad Sugida ee Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.