Home Afsomali Dhageyso:-Xildhibaan Cosoble” Ra’iisul Wasaare kasta oo yimaada ma aqbaleyno muddo kororsi”

Dhageyso:-Xildhibaan Cosoble” Ra’iisul Wasaare kasta oo yimaada ma aqbaleyno muddo kororsi”

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin in muddo kororsi ay sameeyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad aad u dhib badanisla markaana ay joogto in Xukuumaddii dalka ka jirtay si isxilqaan ah xilka looga qaaday,hayeeshee si kastoy ahaataba la sugayo soo dhisida Xukuumad Cusub.

Waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray Xildhibaan Cosoble in Hay’adaah kala duwan ee dowladda,sida Golaha Shacabka & Aqalka sare iyo sidoo kale muddo xileedka Madaxweyne farmaajo uu yahay mid geb-gabo ah,balse aysan u muuqan in la qabanayo doorasho.

Soomaaliya ayuu sheegay inay soo martay Shan Madaxweyne oo kusoo shaqeeyay duruufaha hadda la maraayo mid ka adag,kuwaasna ay qabteen doorasho waqtigeeda ku dhacdo,isla markaana Madaxweyne Farmaajo aysan ka ogolaaneyn muddo kororsi.

Duruufahdaa hadda la maraayo kama dhib badna kuwii la soo maray, qof walba oo xil qabta wuu jeclaa in uu iska sii joogo,laakin waa laga diiday,waxaad ogtihiin in hadda la raadinaayo xilka Ra’iisul Wasaarenimo,waxaana idin sheegayaa xataa hadii uu Cosoble xilkaasi qabto in aan la ogolaan doonin muddo kororsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.