Home Afsomali Dhageyso Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kenya u hanjabay Isaga oo jooga ...

Dhageyso Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kenya u hanjabay Isaga oo jooga Xaduud Beenaadka ay somaliya la wadaagto

Xogheyaha Gudiga difaaca golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo qeyb ka ah wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ku sugan Balad Xaawo ayaa ka warbixiyay ujeedkooda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Waxa uu sheegay in ay tageen halka Kenya iskudayday in ay ka dhisto derbiga kenya balse ay ka hortageen Shacabka Balad Xaawo isla markaana waxyaabihii ay ku arkeen Shacabka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka la wadaagi doonaan.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in marnaba aan la ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya in ay ku soo xadgudubto dowladda Kenya.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in markii ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho ay xaqiiqda jirta ay horgeyn doonaan Xildhibanada Golaha Shaacabka Soomaaliya

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

 

Dhanka kale

Waxaa magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ka dhacay kulamo looga hadlayo xal u helida  xisadaha ka taagan degmadaasi,kadib markii Dowladda Kenya ay bilowday in derbi ay halkaasi ka dhisto,taasi oo keentay kacdoon ay sameeyaan dadka deegaanka ah.

Waxaa ka qeybgalaya kulamadaasi xaqiiqo raadinta ah  wafdi isugu jira Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga,xildhibaano,madaxda Dowlada Goboleedka Jubbaland,gudiga xuduudaha iyo guddiga Difaaca iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkooda ee Gobolka Gedo.

“Waxaan meeshaan ku tagnay wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano iyo Madaxweynaha Jubbaland,ujeeda socdaalkayna wuxuu yahay sidii aan ugu kuurgali lahayn, xaaladaha ka taagan magaalada Baladxaawo,waxaan marka hore ka degnay Doolow si fiican ayaa nalaku soo dhaweeyey,hadana waxaan joognaa Baladxaawo,waxaan tagnay meesha derbiga laga dhisayo,arin kale ma ahan waa inta u dhexeysa labada magaalo,si farsamo ah ayaa lo galayaa xaqiiqda ayaa la ogaanayaa,waxaana jira guddi farsamo”, ayuu yiri Wasiir (Juxa)

Waxaa uu sheegay Wasiirka in rajo wanaagsan ay ka qabaan in arrintaasi xal laga gaaro,isagoo xusay in shacabkuna ay ku qanceen dadaalka xaqiiqo raadinta ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan degmada Baladxaawo waxaa ka dhacay banan baxyo rabshado watay,kuwaasi oo looga soo horjeedo derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso inta u dhexeysa halkaasi,taasi oo soo dedejisay qeylo dhaanta shacabka iyo jawaabta ka soo baxday Dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.