Home Afsomali Dhageyso Xildhibaanada Jubaland sida ay kaga cabsanayaan Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhageyso Xildhibaanada Jubaland sida ay kaga cabsanayaan Madaxweyne Axmed Madoobe

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo kamid ah xildhibaanada maamulka Jubaland oo la hadlay saxaafada  magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulkaasi uu yahay kaligiis talis.

Xildhibaankaan ayaa waxa uu madaxweynaha Jubaland ku eedeeyay in uu xayiraad saaray safarada xildhibaanada maamulkaasi oo aynan hada ka amba bixi karin deegaanada maamulkaasi, isaga ay u suurta gashay in si dhuumaaleysi ah uu ugu soo safro magaalada muqdisho oo uu hada joogo.

waxa uu ku dheeraaday ka hadalka waxa uu ugu yeeray hanaanka hogaamineed ee madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe, waxuuna shacabka reer Kismaayo ugu baaqay in ay iska diidaan kali talinamada hogaamiyahaasi oo uu sheegay in xitaa uu hadalka aynan xildhibaanada xor u ahayn.

waxuu sheegay in fursad loo siin waaye intuu Kismaayo joogay in uu muujiyo in uu yahay xildhibaan mucaarad ku ah maamulkaasi, sidaasi darteedna uu Muqdisho ku yimid si uu dareenkiisa kaga hadlo.




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.