Home Afsomali Dhageyso Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Iyo Wiil Ay Dhashay Gudoomiyaha Ururka Oo...

Dhageyso Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Iyo Wiil Ay Dhashay Gudoomiyaha Ururka Oo Muqdisho Lagu Dilay

Kooxo hubeysan oo watay Gaari ayaa Maanta waxa ay qeybo ka mid ah Degmada Xamar Weyne ku rasaaseeyeen gaari kale taas oo ay laheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Gaariga ayaa xiliga la rasaaseynayay  waxa uu marayay  degmada Xamarweyne gaar ahaan Via Roma, waxaana halkaasi ku geeriyooday Xogheyahii Ururka Haweenta Qaranka Soomaaliyeed iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha oo la dhihi jirey Axmed jaamac Xersi iyo Canab Cabdulaahi Xaashi Ururkaas Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Filo goordhow Wareysi ay arrintaan uga hadleyso gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gablle.

Dilka ayaa waxaa Geestay Koox Wadatay Gaari kuwaas oo hor dhigtay Gaarigii ay saarnaayeen dadkii la dilay kadibna rasaas fara-badan ku riday dadkii saarnaa, waxaana dadka dhintay ay kala ahaayeen Qof dumar ah oo ka tirsan Ururka Haweenka iyo Wiilka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed sidoo kalane u ahaa Darawalkeeda.

Saraakiisha amaanka ee degmada Xamar-weyne ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay dhinteen Canab C/laahi Xaashi  oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Maxamed Jaamac   oo ahaa Wiilka Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe sidoo kalane ahaa Darawalka Gaarigeeda waxaana ku dhawaacamay Wiil kale oo goobta ku sugnaa.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday degmada sida ay Sheegeen dadkii ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay oo ah Via Rooma kana tirsan degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana halkaasi ay ka joojiyeen isku socodka Gaadiidka iyo dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.