Home Afsomali Dhageyso Yuusuf Dabaged oo AMISOM ka dalbaday in in xaafadaha Magalada...

Dhageyso Yuusuf Dabaged oo AMISOM ka dalbaday in in xaafadaha Magalada Baladweyne ay saldhigyo saldhigyo bolice

Xilli shalay Magalada Baladweyne laga dhagax-dhigay dhismaha Saldhig ay ku Shaqeyn doonaan Booliska Hir-Shabeelle ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa uu baaq u diray Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan Magalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar( Dabageed) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne uga hirgeliyeen Booliska AMISOM uu uga mahad celinayo,hayeeshee uu ka dalbaday in Afarta xaafadood ee Magalada Baladweyne ay saldhigyo kale ka dhisaan.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha Booliska AMISOM ee ku sugan Magalada Baladweyne ay horay ugu direen codsiyo kala duwan,isla markaana ka maamul ahaan ay ka sugayaan inay ka helaan jawaab deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.