Home Afsomali Dhageyso Dhalinayaro tahriib ku galay maraykanka oo si tarxiil ah Muqdisho looga...

Dhageyso Dhalinayaro tahriib ku galay maraykanka oo si tarxiil ah Muqdisho looga dajiyey mar kale

linkiga hoose ka dhageyso 

Inksta oo dadka magaalada Muqdisho qaarkood ka waryaheen ayaa waxaa soo caga dhigatay diyaarad siday 68 qof oo wada soomaali ah kuwaas oo in mudooyin kala duwan maxaabiis ahaan ugu jira xabsiyo ku yaal dalka mareykanka oo laga soo tarxiilay dalkaas.

waxaa jiray 2 qof oo iyagu aan soomaali aheyn oo diyarada dib loogu celiyey si dalkooda loo geeyo.

Ciidamada nabadsugi ayaa diiday in sawiro laga qaado lana wareysto dhalinyaraadaan intii ay ku jireen gudaha garoonka Muqdisho

Dhalinyarada ayaa iskuugu jiratay rag iyo haween waxayna Mudo  sadax cisho ku jiray hawada u dhaxeeya maraykanka iyo soomaaliya waxayna soo guud martay wadamo badan ugu danbeyntiina waxay Muqdisho ugua duusha magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxayna ka dagtay garoonka cadan cabdulle cusmaan ee magaalada Muqdisho

Dhalinyarada qaarkood ayaa sheegay in si qasab ah diyarada lagu saaray iyagada oo gacmaha la xirxiran sidaana lagu geeyay soomaaliya waxaana diyarada la saarnaa ciidamo maraeykan ah oo ilaalo ka ahaa iyaga

Dhalinayarada qaarkood ayaa falkaan in ay ka danbeysay ku eedeeyey safaarada dalka maraykanka ee soomaaliya waxayna xuseen in howlwadeenadu ka qeybqaateen sidii dalkooda loogu tarxiili lahaa,waxayna qaarkoo xabsiyada ku jiraeen in ka badan 2 sanadood

Madaxweynaha dalka mareykanka ayaa horey u sheegay in aan dadka soomalida ah Dalka ayaa saaray xayiraadaha dhanka socdaalka, islamarkaana Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dalalkaasi.Maraykanka loo ogolaaneyn in ay galaan .

balse dhalinyaradaan ayaa horey ugu jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaal dalka maraykanka mana aha markii ugu horeysay ee diyaarada sida dad kareykanka sharci daro ku galay dib loogu celiyo soomaaliaya waxaana bishoo hore la geeyey in ka badan sideetan qof oo tarxiil ah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.