Home Afsomali Dhalinyaro Somaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Magaalada Columbous

Dhalinyaro Somaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Magaalada Columbous

f-b

Kooxo hubeysan ayaa dalka Mareykanka waxa ay ku weerareen labo wiil oo  Soomaaliyeed sida ay sheegeen laamaha amniga ee dalka Mareykanka.

Gobolka ohayo Magaalada Columbous ee dalka Mareykanka kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday

laba Wiil oo Soomaaliyeed , kuwaa soo la sheegay in ay muddo dheer ay ku noolaayeen dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool Columbous ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in mid ka mid ah dhalinyarada uu dhaawac culus soo gaaray , halka midka kalena uu geeriyooday.

Magacyada labada Wiil ayaa kala ah  Maxamed Cali oo dhaawac ah iyo sidoo kale Qaasim Maxamed oo geeriyooday.

Hogaanka Ciidanka Booliska Magaalada Columbous ayaa sheegay in aysan garaneynin sababta loo weeraray dhalinyarada Soomaaliyeed , laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la weeraro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Mareykanka loo doortay Donald Trump, waxaana

jira cabsi ay ka qabaan in ay weeraraan dadka neceb Soomaalida ee kunool

dalkaasi.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.