Home Afsomali Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu la,yahay xeebaha Giriiga

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu la,yahay xeebaha Giriiga

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

Dadka la badbaadiyay oo u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, ayaa saraakiisha u sheegay in 55 qof ay la socdeen doonta.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in la billaabay howlgal samatabixin ah.

Waxay hawlgal labaad ka bilaabeen Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan. Dadka la badbaadiyay ayaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.