Home Afsomali Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga iyo Xasan Sheikh oo ka wada hadlay arimaha labada...

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga iyo Xasan Sheikh oo ka wada hadlay arimaha labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Yeeshay Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan gaar ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Amiir Salmaan Bin Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga magaalada Riyaadh iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga xiriirka ee dhinacyada kala duwan.

Kulankaa ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Danjirayaasha Soomaaliya u jooga Sacuudiga iyo Masar, Ambassador Saalim Macow Xaaji, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar, Danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa maalmo kahor booqasho ku jooga magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, wuxuuna halkaas kala qeyb galay Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta, isagoo la kulmay  Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta.

https://youtu.be/3f-vM_ddH7U

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.