Home Afsomali Dhgeyso Tacadiya Ciidamada Ethiopia ay geysteen iyo Gowraca dadka

Dhgeyso Tacadiya Ciidamada Ethiopia ay geysteen iyo Gowraca dadka

Codka sanator yuusuf Gelle linkiga Hoose ka dhageyso

Ciidamada Itoobiya ayaa guriga ugu dhacay nin 80 sano jir ah , kadibna waa ay gowraceen sidaas waxaa sheegaya wararka ka imaanaya deegaan ku yaal agagaarka magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan odayga ah ee la gowracay markii hore ay ka dhamaadeen xoolihii uu haystay abaar darteed isla markaana uu socon waayay oo uu guriga iska joogay.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ay weerar kala kulmeen AlShabaab, kadibna waxaa lo geystay qasaaro xoogan, laakiin waxaa ay bilaabeen iney galaan guryaha shacabka kadibna waxaa ay si arxan daro ah udileen ninkan 80 jirka ah oo ay madaxiisa iyo qeybta kale ee jirkiisa is garab dhigeen.

Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah xubnaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhibaatooyin kuwaas ka xoogan ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay madaxda DF Soomaaliya iney si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatooyinka aan loo dul qaadan karin ee ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Kenya iyo Itoobiya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.