Home Afsomali Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Inta la xaqiijiyay Saddex Ruux ayaa geeriyootay 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo Maanta ka dhacay duleedka degmada Cadalle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka ku waxyeeloobay shilka ayaa saarnaa gaari nooca loo yaqaano leyla Calaawi, kaas oo la rogmaday xilli ay ka yimaadeen dhinaca degmada Cadalle ayna kusoo wajahnaayeen Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dadka shilka ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen kuwo markii hore ka baxay Magaalada muqdisho oo tacsi u tegay degmada Cadalle, hayeeshee markii ay kasoo laabteen ay shilka galeen.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Cadalle iyo ehellada dadka shilka galay ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay kutaallaa wadada u dhaxeeysa degmooyinka Cadalle iyo Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dhowr jeer shilal gaari ay ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.