Home Afsomali Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay ismaamulka Dowlad Degaanka Somalida 

Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay ismaamulka Dowlad Degaanka Somalida 

Maleeshiyaad hubaysan ayaa weerar ku qaaday dad ku sugnaa Aaga Qabalaha Waal ee Santarka Yamaaruglay ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo weerarka  ku dilay Nin Xoollo Dhaqato ahaa.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xanib Xaashi Aadan Yarre, waxaana la sheefay in weerarkaas uu salka ku haayo Aano qabiil, sidoo kalena lagu dhaawacay qof kale.

Ciidamo katirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida ayaa ku baxay Goobta uu weerarka ka dhacay balse aysan ku guuleysan inay qabtaan maleeshiyaadkii dhibka geystay, waxaana colaada labada Beelood u dhaxeeysa ay tahay mid soo laab laabaray.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada, iyada oo Maamulka uu ka gaabiyay waxka qabashada Colaadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.