Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay degmada Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay maqaaxi kutaalla suuqa Jaadka degmada Halgan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Nin Oday ahaa oo lagu Magacaabi jiray Muumin Rooti, halka ay ku dhaawacmeen laba Ruux.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Maqaayadda la qarxiyay ay mararka qaar fariisan jireen askar katirsan laamaha Amniga degmada Halgan iyo Dad Shacab ah.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlo baaritaano wah wallow aysan dad u qaban qaraxaas.