Home Afsomali Dhulkii suuqa miijiska ee ceelgarweyne oo ganacsato dhismo cusub ku bilowday ...

Dhulkii suuqa miijiska ee ceelgarweyne oo ganacsato dhismo cusub ku bilowday Maamulka dagmada Howlwadaag iyo Gobolka Bnaadir oo ka aamusay (DAAWO SAWIRADA )

Waxaa dhisme lagu bilaabay Dhul caan ah oo Dan guud ahaa magaalada Muqdisho, kasoo uu si musuqmaasuq ah iibsaday maamulka Gobolka Banaadir.

Dhulkan oo ah halkii la oran jiray Suuqii Ceel-garweyne ee degmada Howlwadaag oo lagu iibin jiray Ariga, markii dambena ahaa barxad lagu ciyaaro Kubadda Cagta ayaa maalmahan waxaa ka socda shaqo weyn oo lagu doonayo in lagu wareejiyo Derbi, iyadoo laga iibiyey shirkad ganacsi iyo shaqsiyaad.

Waxaa dhulkan iibsaday maamulkii G/Banaadir ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuuna ka mid ahaa Dhulal Dan guud ah oo si musuq ah loo iibsaday, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Dhulkan qeybta ugu muhiimsan ay iibsaday shirkadda Dahabshiil.

Dadka degaanka ayaa ka codsanaya in arrintan wax laga qabto oo dhulkaasi dib loogu soo celiyo dantii guud, iyadoo uu yahay hanti qaran oo dad gaara loo gacan geliyey, waxaase dadka xog ogoaalka ah ay ka cabsi qabaan in dhowr gacmood ay isu bedeleen.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo hore u balanqaaday inay ka hortegayaan musuq iyo hantida guud ee la lunsanayo ayaa laga sugayaa inay arrintan soo farageliyaan, halka maamulka G/Banaadir ee xilligan loo diray farriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.