Home Afsomali Dib u dhac ku yimid Diiwaan gelin doorasho ee gobolka Nugaal

Dib u dhac ku yimid Diiwaan gelin doorasho ee gobolka Nugaal

Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa la filayay saaka inay ka bilaabaan diiwaan gelin doorasho ee  gobolka Nugaal, balse ay markale Maanta dib u dhacday.

Sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca ayaa lagu sheegay in uu weli taagan yahay  khilaaf gacan ka hadal dhaliyey oo dhacay shaley, kaas oo u dhaxeeya ciidamo diidan diiwaan gelinta doorashada, iyo kuwo ilaalo ka haya goob ay ku sugan yihiin hawl wadeenada doorashada.

Ciidamada is khilaafsan, ayaa kala joogga meelo isku dhow oo ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana taasi ay cabsi ku abuurtay dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada.

Qaar kamid a Isimada Gobolka Nugaal ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in xal laga gaarao khilaafka doorashooyinka la xiriira ee ka taagan Gobolka Nugaal, labada Ciidan aysan u dagaalamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.