Home Afsomali Dib u habeen lagu sameeyey Saraakiisha iyo saldhigyada ciidamada Amisom dagan yihiin

Dib u habeen lagu sameeyey Saraakiisha iyo saldhigyada ciidamada Amisom dagan yihiin

Hawgalka midowga afrika ee Amisom ayaa wada dib u habeen uu ka sameenayo saldhigyadiisa milatari eek u yaalo gudaha dalka si kor loogu qaado badqabka iyo amaanka ciidamada saldhigyadaas ku sugan.

Hawshan diba u habeenta loogu sameenayo saldhigyada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin gudaha dalka ayaa qayb ka ah in ciidamada katirsan hawlkalka midowga afrika ay helaan difaac xoogan oo gabaad kaga noqda weerarada iyo qaraxyada kaga imaanayo dhanka dagaalamyaasha al-Shabaab.

Madaxa hawlgalada midowga afrika ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada muqdisho isagoona u jeedka ugu wayn ee qorshahan laga leeyahay uu yahay uu yahay sidii lagu adkeen lahaa badqabka ciidamada Amisom.

Madaxa taageerida hawlgalada midowga afrika Mr Dludlu ayaa sidookale sheegay in hawshan ay dib u dhiska ugu sameeyaan xeerooyinka ay ciidamada Amisom ka dagan yihiin gudaha dalka uu qayb ka yahay  qorshaha xaalada kala guurka ee dalka looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika kuwaasi oo sida uu qoshuhu yahay in gabi ahaan dalka laga saaro markii lagaaro sanada 2020.

Qorshahan dib u habeenta loogu sameenayo xeryaha amisom ayaa waxaa Amisom ka taageerayo kooxda dowlada UK u qaabilsan taageerida ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.

Xeerooyinka milatari ee amisom dalka ku leedahay ayaa haatan waxaa ku sugan kumanaan ciidan oo kakala socda wadamada , Burundi, Djibouti, Kenya and Ethiopia oo ah wadamada qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika ka jooga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.