Home Afsomali Dibed-bax ay ka qeyb qaateen boqolaal qof oo ka dhacay degmada Guriceel

Dibed-bax ay ka qeyb qaateen boqolaal qof oo ka dhacay degmada Guriceel

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta salaadii Jimcaha ka dib ka dhacay banaan-bax nabadeed oo ay dhigeen dad taageersan hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Waxaa Banaanbaxan lagu taageerayey mowqifka hoggaanka Ahlusunna ee dhismaha Galmudug, waxaana banaanbaxaas dadka dhigaya ay wateen Sawirada hoggaanka Ahlu sunna.

Ciidamada ammaanka dowlada Somalia ayaa dusha ka ilaalinayay Banaanbaxa waxaana ka qeyb qaatay Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dad Culimo u badnaa oo la hadlay dibed baxayaasha ayaa waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la dhowro wadajirka Bulshada reer Galmudug, isla markaana dowladu fuliso heshiiskii Ahlu sunna ay la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.