Home Afsomali Diblomaasi Caan ah oo Hab-dhaqanka Guddoomiyaha G/Banadir Yariisow ku tilmaamay mid...

Diblomaasi Caan ah oo Hab-dhaqanka Guddoomiyaha G/Banadir Yariisow ku tilmaamay mid aan ka turjumeyn Dowladnimo ..

Diblomaasi hore iyo qoraa caan ah oo fadhigiisu yahay Mareykanka Abuukar Arman ayaa weerar ku qaaday hab dhaqanka siyaasadeed ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

 Abuukar Arman oo faallo ka bixiyey sawirro uu guddoomiye Yariisow soo dhiga baraha bulshada isagoo qaabilay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya ayuu ku dhaliilay in falka uu sameeyay Guddoomiye Yariisow ay ka tarjumeyso damiir la’aan.

“Anigoo ku ixtiraamayo. Tan oo kale dowladnimo kama tarjumeyso. Waxey ka tarjumeyso waa damiir la’aanta ummadda ku habsatay & dullinimada qaranka. Fadlan jiilka soo socdo oo aan rajeyneyno inay dullinimadan naga saaraan yaan damiirka laga dilin. Mahadsanid.”ayuu yiri Diblomaasiga iyo qoraaga heer calaami ee Abukar Arman isagoo la-talinaya Guddoomiye Yariisow.

Abukar Arman ayaa hore u soo noqday wakiilka Somalia ee Q/Midoobay, wuxuuna wax ka qoraa arrimaha siyaasadda Geeska Afrika iyo Caalamka. Wuxuu ku baaqay in laga noqdo magacaabidiid Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.