Home Afsomali Diego Maradona Oo u kicitimi doona kuuba si caruur uu horey inkiray...

Diego Maradona Oo u kicitimi doona kuuba si caruur uu horey inkiray u qirto in uu dhalay

Halyeeygii hore ee kubadda cagta ee reer Argentina, Diego Maradona, ayay tahay in uu qirto in uu dhalay saddex carruur ah oo haysta dhalashada dalka Kuuba, sida uu sheegay qareenkiisa.

Qirashadaasi ayaa ka dhigan in Maradona oo 58 sano jir ah oo haatan ka hor Koobka Adduunka u qaaday dalka Argentina, oo mar hore inkiray in uu dhalay caruur kale oo aan ahayn kuwa ay u dhashay xaaskiisii hore, uu haatan noqonayo aabbaha rasmiga ah ee siddeed carruur ah oo ku abtirsan doono magaciisa.

Matias Morla oo ah qareenka Maradona ayaa sheegay in Maradona dhawaan uu u safri doono magaalada Havana ee dalka Kuuba, si baaritaan loogu sameeyo in carruurtaasi uu isaga dhalay iyo in kale, waxa uuna dhammaadka sanadkan shaacin doonaa in isagau uu yahay aabaha rasmiga ah ee carruurtaasi ku nool dalka Kuuba.

Carruurtan oo sida la sheegay uu ka dhalay laba haween ah ayaa wixii haatan ka dambeeya waxa qaadan doonaan oo ay ku abtirsan doonaan magaciisa.

Maradona ayaa dalkaasi Kuuba ku noolaa intii u dhaxaysay sanaddadii 2000 iyo 2005, halkaasi oo looga daweynayay maandooriyaha Kookeynta oo uu qabatimay.

Muddadii uu halkaasi joogay waxa uu saaxiib la noqday madaxweyne Fidel Castro, waxaana uu lugta ku sawirtay muuqaalka madaxweyne Castro.

MaradonaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY

Cayaaryahankani hore ee kubadda cagta ayaa haatan ah tababaraha kooxda Dorados de Sinaloa ee ka dhisan dalka Mexico.

Maradona ayaa haatan ka hor beeniyay in uu dhalay carruur kale oo aan ka ahayn laba gabdhood oo lagu kala magacaabo Giannina iyo Dalma, kuwaasi oo ay u dhashay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Claudia Villafañe, taa oo uu furay saandkii 2003 ka dib ku dhawaad 20 oo ay siqabeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu haatan qirtay in uu isaga dhalay Diego Junior oo 32 jir ah iyo Jana oo 22 jir ah, ka dib dacwad dhex martay isaga iyo carruurtaasi hooyadood.

Maradona ayaa sidoo kale ah aabaha Diego Fernando oo lix sano jir ah oo ay u dhashay haweeney lagu magacaabo Veronica Ojeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.