DIGNIIN CULUS
Mogdishu iyo magaalooyinka kale soomaaliya waxaa Ku soo badanaya cudurka CANCER-KA oo haleelay dad fara badan.
Isbitaalada ayaa wax Ka qaban waayay,taas oo keentay in dibada loo qaado bukaanada la IL daran cudurka CANCER-KA.
Hadaba maxaa keenay faafitaanka xooga badan ee cudurkan?
Ateenooyinka shirkadaha isgaarsiinta ,ateenooyinka idaacada iyo telefishanada waxaa ay hawada Ku siidaayaan shucaac laysar ah ,Kaas oo waxyeeladiisu ay keento cudurka cancer-ka,dareemayaasha iyo maqaarka.
Ateenooyinkan waxaa mabnuuc Ka ah in lagu rakibo magaalooyinka iyo goobaha dadku Ku nool yihiin,hadana waxaa laga taagay guryaha korkooda iyo dhulka magaalada dhexdeeda.
Shirkadahan qalabkooda iyada oo duurka lagu rakibay ayaana laga qaadaa lacago farabadan oo lagu daweeyo dadka qaba cudurada Cancer-ka ,dhimirka,dareemayaasha iyo maqaarka.
Dadka soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay in ay Ku baraarugaan qatarta ay ATEENOOYINKA leeyihiin iyo dhibaatada caafimaad darro EE ay Kala kulmi karaan.
Shirkadaha Ateenooyinkaas leh inay Alle Ka baqaan oo ay Ateenooyinkooda magaalooyinka Ka bixiyaan,garwaaqsadaana inay cuduraradaas dadka qaba ay gargaaraan.
Dowlada Soomaaliyeed waa in ay qaadataa kaalinkooda Ku aadan bed qabka shacabka oo ay shirkadaha leh Ateenooyinka Ku amartaa inay magaalooyinka Ka bixiyaan,lagana qaadaa dhaqaale lagu gargaaro dadka qaba cudurada aan kor Ku soo sheegay.
Home Afsomali DIGNIIN CULUS Ateenooyinka shirkadaha isgaarsiinta ,ateenooyinka idaacada iyo telefishanada oo la sheegay...