Home Afsomali Digniin loo diray Ciidamada dowladda Soomaaliya

Digniin loo diray Ciidamada dowladda Soomaaliya

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa uga digay Ciidamada kala duwan ee dowladda inay hubka dadka ku dhibaateeyaan, taas bedelkeedana looga baahan yahay inay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in dalka xilligaan uu kujiro waqti ay Ciidamada dowladda la dagaalamayaan Al-Shabaab, isla markaan dagaalka socda dhibaatooyin kala duwan ay kasoo gaareen.

Wuxuu Ciidamada dowladda uga digay inay dadka Shacabka ah dhgibaateeyaan, isaga oo sheegay in askarigii dhib u geysta Shacabka tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Hadalka Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer askar katirsan Ciidamada dowladda soomaaliya ay dileen dad Shacab ah kuwo kalena ay dhac u geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.