Home Afsomali Dil aan noociisa horey loo arag oo Muqdisho ka dhacay iyo bolice...

Dil aan noociisa horey loo arag oo Muqdisho ka dhacay iyo bolice ka oo ka aamusay

Xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi meel ku dhaw halka la dhaho Xaafadda Garaashka ee Degmada Dayniile, waxaa ka dhacay Dhacdo argagax leh, kadib markii ilmo yar oo saqiir ah gurigooda loogu soo galay, kadibna la gowracay.

Dhacdadan ayaa waxaa ka soo baxayo warar kala duwan oo isku khilaafsan cida gabadha gowraca ku jiiday

Warar mar hore soo baxay ayaa timamayey in nin watay toorey uu galay guriga reerka, kadibna uu gowracay Idman Cabdullaahi oo dhalnayd laba bilood oo kaliya,waxaana warku intaa ku darayaa .in Ninka falka gaystay uu sharciga ka baxsaday in la horgeeyo

Masuuliyiinka tirsan maamulka dagmada iyo goobjoogayaal ayaa sidoo kale xaqiijiyey jirtaanka dhacdadaan oo ay xuseen in dhalisay layaab iyobargagax
Halka warar kalana ay sheegayaan in idman ay gowracday Hooyo Asma Maxamed Cabdi oo gabadha dhashay sida ay somalisan.com u sheegeen ilo ka amdaxbaan oo ay la xariirtay taliyaha saldhigay bolice ka oo aan wax ka weydiinay ayaa xaqiijiyey in ay saldhiga ku xiran yihiin gabadha la gowracay hooyadeed oo lagu eedeynaayo in ay falka ka danbeysay iyo iyada hooyaded balse ka gaabsaday in uu faahfaahin intaa ka badan bixiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.