Home Afsomali Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo...

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Askari la sheegay in uu katirsan yahay ciidanka dowladda ayaa xalay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee magaalada Muqdisho ku dilay nin dhallinyaro ah , oo la sheegay in uu gaari gacan ku iibinayay rooti.

Wiilkan oo lagu magacaabo Najiib Maxamed Xuseen ayaa loo dilay kaliya lacag dhan 5-kun oo Shilin Soomaali ah uu rabay in askariga xoog uga qaato, waxaana la sheegay wiilkan in askariga u sheegay in uusan lacag heysan , hasa ahaatee askariga ayaa dood kaddib xabbad ku dhuiftay.

Najiib Maxamed Xuseen, ayaa ahaa aabbe korinayay saddex carruur ah uu dhalay, waxa uu sidoo kale xoog u ahaa hooyadiis iyo walaalihiis, kuwaa oo maanta la oynaya gardarada wiilkooda loo dilay iyo caddaalad darada heesata.

Hooyada dhashay Najiib ayaana ka codsaday laamaha ammaanka in loo soo qabto askariga arxan darada u dilay wiilkeeda, waxa ayna codsatay haddii ay jirto caddaalad in wax looga qabto gacankudhiiglaha dilay wiilkeeda oo la sheegay in uu baxsaday.

Dilalka macno darada ah ay askarta dareeska ciidanka dowladad xiran u geesanayaan shacabka ayaa marar badan ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, askarta qaar ee dilalkaasi geestay ayaana xukunno dil ah lagu fuliyay ,halka kuwa kalana baxsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.