Home Afsomali Dil dad badan ka argagaxeen oo xalay ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho

Dil dad badan ka argagaxeen oo xalay ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho

Dil dad badan ka argagaxeen oo xalay ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho

Dil laga wada naxos ayaa  ka dhacay xaafada Oobasiibka Xalane ee Degmada Wadajir

 

Dilka oo ahaa mid argagax badan leh, kadib markii wiil 20 sano jir ahaa uu si arxan daro ah toorey ugu dilay Aabihiis oo 60-sano jir ahaa.

Goobjoogayaal ku sugan xaafada dilku ka dhacay ayaa ku waramay in Wiilkan oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Cusmaan Garbooje toorey ku dhuftay aabihiis sidaasna ugu geeriyooday tooreyda lagu dhuftay.

Wiilka dilka geestay ayaa la sheegay in uu isticmaali jiray balwada maan dooriyaha, waxaana la sheegay in aabihiis u dilay kadib markii uu dhoor mar canaantay uuna soo kala dhax galay khilaaf.

Ciidamada booliiska ayaa baadi goob ugu jira wiilkan dhalinyarada ah ee dilka u geestay aabihiis, kaa oo la sheegay in uu baxsaday, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay dadka deegaanka iyo kuwa ehelka la ahaa qoyskaasi.

Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho xabad ugu dilay aabo wiil 20-jir ahaa uu dhalay, kadib markii wiilka iyo xaaska aabihiis uu soo kala dhax galay muran taa oo keentay in aabaha la safto xaaskiisa uuna dilo wiilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.