Home Afsomali Dil ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Faah faahin kasoo...

Dil ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno deegaanka Galmadoobe oo hoostaga degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Muxumed Axmed Cumar, kaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa lasoo weriyey inay rasaas ku dhufteen nabadoon Muxumed Axmed Cumar, xilli uu sugnaa deegaanka Galmadoobe, isagoona u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Laamaha ammaanka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa sheegay inay baaritaan wadaan la xiriiro dilkaas, xilli goobihii ka danbeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Illaa iyo hada lama oga sababta loo dilay nabadoonka, Degmada Buulo-burte ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan kana tirsan Al-shabaab iyo weeraro qaraxyo ah oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.