Home Afsomali Dil ka dhacay degaano katirsan gobolka Mudug

Dil ka dhacay degaano katirsan gobolka Mudug

Nin hubeysnaa ayaa waxaa la sheegay in xalay xilli dambe uu degmada Bursaalax ee gobolka Mudug uu kudilay laba qof oo la sheegay inay ahaayeen Shacab, kuwaas oo goob wada fadhiyay.

Laba Nin ee la dilayayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Afdheere oo soo noqday Guddoomiyihii hore ee degmada Bursaalax iyo Mukhtaar Maxamed, waxaana dilkooda kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay la xiriirto aano qabiil.

Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga gobolka Mudug ee Puntland oo ku baxay ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kudigeen Ninkii ka dambeeyay falka dilka ah, kaas oo ku xiran Saldhiga Booliska degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

 

Laamaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug horay uga dhacay dilal intooda badan la xiriiray aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.