Home Afsomali Dil ka dhacay degan ka tirsan Galgaduud & xiisad ka taagan

Dil ka dhacay degan ka tirsan Galgaduud & xiisad ka taagan

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta barqadii waxaa ay Nin Shacab ahaa ku dileen degaanka Dalsan oo dhinaca Bariga kajira Dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay ayaa dadka degaanka ay sheegeen in uu ahaa Xoolo Dhaqato aad looga yaqaanay degaanka Dalsan, waxaana wararka aan helnay ay shegayaan in dilkaasi uu la xiriiray aanooyin qabiil oo ka taagan degaanka.

Ciidamada Amaanka ee Dagmada Caabudwaaq ayaa aaray halka uu dilka ka dhacay, ayaga oo ku raad jooga kooxdii dilka gaysatay, kuwaas oo la sheegay inay degaanka isaga baxsaeed.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in degaanka Dalsan ee Bariga degmada cabudwaaq ay maanta la taaan tahay xiisad ka dhalatay ninka la dilay, iyada oo siweyn xiisadda looga dareemay degaanka.

Dhowr jeer oo hore ayaa degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud iyo degaano hoostaga waxaa ka dhacay dilal aanooyin qabiil ah iyo dagaal beeleedyo toos ah,  balse Maamulka Galmudug uu Ciidamo geeyay degmada Cabudwaaq si dilalka looa hortago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.