Home Afsomali Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Koox ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay magalada Muqdisho ku dilay Nabaddoon Xersi Cali Diirshe oo kamid ahaa waxgaradka kunool degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, xilli uu kasoo baxay masjidka uu salaad kusoo dukaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka oo ka dhacay mid kamid ah xaafadaha degmada Hiliwaa ay baxsadeen raggii dilka geystay, balse ay meydka goobta ka qaadeen ehelladiisa.

Ciidamo katirsan Booliska degmada Hiliwaa ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo aan dad lagu qaban, balse ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka iyo laamaha Ammaanka degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dilka Ninka Odayga ahaa, balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda dilka ay sheegeen in Mabaddoon Xersi Cali Diirshe uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada Hiliwaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.