Kooxo hubeysan ayaa goordhawey ruux rayid ahaa ku dilay gudaha Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid ee Muqdisho ee Caasimaddda Soomaliya.
Dilka waxaa fuliyay labo dhalinyaro ah oo ku hubeysanaa bastooladdo sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.
Dhanka kale Lama oga waxa uu yahay ruuxa dilka loo geystay,waxaana goobta gaaray oo meydka qaaday Ciidamo ka tirsan Dowadda Soomaaliya oo halkaas ka baadi-goobaya kooxihii ka dambeeyay dilka ruuxa rayidka ahaa.
Sidoo kale ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilkaan,iyadoo magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya ay kusoo bateen dilalka qorshaysan.