Home Afsomali Dil qorshaeysnaa oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Dil qorshaeysnaa oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay Degmadda Dharkinley ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa xili ay ka dhacayeen Mobile uu sitey .

 Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqyaradaha Degmadda Dharkinley,waxaana la sheegay in wiilka uu ku sugnaa Suuqa islamarkaana ragga hubeysnaa ay halkaas ku weerareen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa kooxda hubeysneed ayaa wiilka dhalinyaradda ahaa ka toogtay qeybaha sare ee jirka wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo haatan halkaas ka wada baaritaano.

Amniga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilal qorshaysan ay geystaan kooxaha hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.