Home Afsomali Dil qorsheysan oo loo geystay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka ….

Dil qorsheysan oo loo geystay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka ….

Wararka laga helayo Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray  Cabdullaahi Laba-go’le ayaa waxaa la sheegay in rag hubeysan ay toogteen, isla markaana dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaliland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka dhaca inta badan dilal qorsheysan, iyada oo Maamulka Soomaliland oo gacanta ku haayo uu sheego inay xaqiijin doonaan ammaanka Magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ee gobolada sool sanaag iyo cayn oo ay badankooda daarasho ka dhicin xiligii lagu guda jirey doorashooyinka Somaliland oo iminka natiijadoodii la sugayo ayaa aad kacsan ,kadib markii lagu diley qaar ka tirsan xubnihii doorashooyinka Somaliland islamrkaana ay meelaha qaarkoodna dagaalo gacan ka hadal ahi ka dheceen .

 

Degmada Kalabaydh ee gobolka sool oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada laascaanood ayaa waxa ku dhintay madaxii doorashooyinka somaliland ee loosoo xil saaray deegaanadaasi iyo sarkaal ka tirsan ciidamada somaliland oo watey ciidamada ku sugnaa degmadaasi kadib markii ciidan hubaysan oo kasoo jeeda xoogaga SSC ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi islamrkaana dagaal kadib ay la wareegeen sanaaduuqdii doorashooyinka iyo weliba gaari xamuul ah oo ah nooca loo yaqaano Candho meydka oo wadey sanaaduuqdii xiligaasi doorashada.

 

Sidoo kale degmada Xudun ee gobolka sool ayaa dagaalo kale ka dheceen kadib markii halkaasi ay fooda isku dareen ciidamada maamulka Somaliland iyo weliba xoogaga la baxay SSC ee kasoo horjeeda Somaliland iyadoo halkaasi ay ka dhaceen dhaawacyo lagu sheegay ilaa shan askari oo ka tirsan dhinacyadii ku daqgaalamyey halkaasi iyadoo ay degmadasina gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada taabcasan hogaanka midaynta iyo badbaadinta SSC.

 

Dhinaca kale Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa ka aloosan rabshado iyo weliba xiisado ay wadaan maamulka SSC ,iyadoo ay xakamayn kari la yihiin ciidamada amniga ee Somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood iyadoo maalin ka horna lagu diley madaxii ciidamada PIS-ta ee Somaliland Xuseen afweyne isagoo xiligaasina ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsan ilaaladiisa

 

Ma jiraan ilaa iminka wax dilkaasi loo qabtay waloow ay xiisadu ka jirto gudaha magaalada laascaanood iyadoo dagaalo iyo weliba weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ahina ay ka dheceen duleedka magaalada laascaanood kuwaasoo dhamaantood ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.