Home Afsomali Dil Qorsheyusan oo ka dhacay guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali...

Dil Qorsheyusan oo ka dhacay guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

Sida aan warkarka ku heleyno  shaqaaqo sababtay dil oo  ka dhacday guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah askartii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaas oo uu dilkiisu fuliyey askari kake oo waardiyeyaasha ka tirsan.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaas oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee illaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askariga geystay dilkaasi.

Arrintaan ayaa sidoo kale la sheegay inay sababtay qal-qal ku yimid ammaanka guriga Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo sanadkii 2018-kii markii la soo xiray wadaadkaan ayaa waxaa lagu wareejiyey hay’adda NISA oo weli gacanta ku heysa, isagoo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.