Home Afsomali Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu...

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay

Nin hubeysan ayaa saaka agagaarka dekadda Magaalada Muqdisho waxaa uu kudilay mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka Xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu dilka u dhacay, waxaana wararka qaar ee la helay ay sheegayaan in raga dilka u geystay Darawalka ay ahaayeen burcad ka dhacayay taleefoonkiisa gacanta.

Sidoo kale wararka ayaa waxaaay intaasi kudarayaan in ka hor dilka uu muran dhexmaray labada dhinac sidaasna dilka uu u dhacay, hayeeshee Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa a sheegay inay soo qabteen Ninkii dilka geystay.

Shalay ayay aheyd markii askari katirsan ciidmada Maamulka degmada Balcad uu halkaasi kudilay mid kamid ah darawaliinta Gaadiidka ka Shaqeeya Muqdisho & Shabeellaha Dhexe, wallow askariii la qabtay.

Dhowr jeer ayaa waxaa Magaalada muqdisho lagu dilay qaar kamid ah darawalada Gaadiidka xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda, waxaana dilalkaas intooda badan geysanayay askarta dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.