Home Afsomali Dil toogasho ah oo ka dhacay Puntland iyo Sababta

Dil toogasho ah oo ka dhacay Puntland iyo Sababta

Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland  ayaa dil Toogasho ku fulisay Jaamac Urur Faarax oo 7/1/2022 qof Shacab ahaa ku dilay degaanka bursaalax ee Gobolka Mudug.

Ninka dilka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabo Urur Faarax ayaa xilli Barqo ah waxaa uu kudilay Nin lagu Magacaabi jiray Feysal jaamac Garre, waxaana gacanta ku dhigay laamaha Amniga gobolka mudug.

Goobta lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug, Masuuliyiinta maxkamadda Darejada 1aad ee Gobalka mudug & mas’uuliyiin kale.

 

Garsoore katirsan Maxkamadda  Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in Jaamac Urur Faarax uu u adeegsaday dilka Feysal jaamac Garre tooreey uu 28 jeer kaga dhuftay qeybta sare ee jirka.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in kadib bariis dheer  oo la sameeyay ay Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ay Maanta xukun dil toogasho ah ku riday acan ku dhiigle Jaamac Urur Faarax, isla markaana Maanta ugu dambeyn lagu fuliyay.

 

Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland   ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay sidaan oo kale xukuno kala duwan ugu riday dad dilal iyo dhac u geystay dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.