https://youtu.be/Bit56iYdmN0
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta21aad ayaa Maanta oo Talaado ah dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Xasan (Dhagadheere) oo 17-kii Bishaan degmada Cabudwaaq ku dilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle & Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.
Fagaaro kuyaalla banaanka degmada Cabduwaaq ayay ka dhacday toogashada, waxaana goobjoog ka ahaa Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.
Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa 24-kii Bishaan Maxkamadda Ciidamada ku riday xukun dil toogasho ah kadib markii lagu helay in Maqaayad kutaalla degmada Cabudwaaq uu kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa howlgal maalmo qaatay oo ay ku baadi goobayeen Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo baxsaday kasoo qabteen degaan kuyaalla duleedka degmada Cabudwaaq, ugu dambeena Maanta la toogtay.
Qaar kamid ah Ehellada Marxuumiintii uu dilay Axmed oo sidoo kale kamid ahaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ahaa ee lagu fuliyay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere)
Dhowr jeer ayaa degmada Cabudwaaa ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dilal lala xiriirinayay aanooyin qabiil balse ay yaraadeen markii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ay Ciidamo geeyeen degmadaasi Cabudwaaq.
dhan kale Ciidamo katirsan kuwa Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa is rasaaseyn waxaa ay ku dhex-martay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Wararka la helay ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ka dambeeysay kaib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen askar waday meydka askari katirsan Ciidamada dowladda ee saakay loo qisaasay dilka taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug & Walaashiis.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo ka dhacday xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ka kala tirsan halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, isla markaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.