Home Afsomali Dil toogasho ah oo Muqdisho ka dhacay hadda

Dil toogasho ah oo Muqdisho ka dhacay hadda

kooxo Hubeysan oo dil toogasho ka geystay Magaalada Muqdisho

Dilka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay isgoyska Boondheere dhanka Xaafada maana Boolyo xili lagu guda jira salaadii Maqrib

sida ay somalisan u xaqijiyeen dad goobjoogayal ah oo iyagu sheegay in ay u tahay markii ugu horeeysay oo ay indhahooda ku arkaan qof la dilayo

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray haloo yeelo kaasi oo goob ganacsi ku lahaa halkaa waxaana ay  sheegeen in isla goobtii uu ugu geeriyooday risaastii lagala egtay qeybta kore ee jirkiisa

kooxdii falka dilka ah geysatay ayaa goobta isaga dhaqaaqay mana cade cida ay ahaateen iyo sababata loo dilay haye yeshee dilkaan ayaa  waxaa lala xiriirinayaa in uu qeyb ka yahay dilalka ka dhaca gud ahaan dalka  gaar ahaana kuwa Muqdisho

dadka ayaa aaminsan in ay yaraatay in la qisaaso qofkii qof dila ama mag iyo shafo shafo ay reerkiisa ka bixiyaan waxaana sidoo kale jira kooxo hiil iyo hoo la garab taan cidii wax disha oo u sahashay in uu sharciga ka baxsado

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.