Home Afsomali Dil toogasho oo lagu fuliyey sanad ka dib Xasan Aadan Isaaq Cali...

Dil toogasho oo lagu fuliyey sanad ka dib Xasan Aadan Isaaq Cali nin ku lug lahaa qaraxii zoobe

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari Noha ah oo qarax uu saarnaa , kaasi oo lagu qabtay Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir, sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe 14-kii October.

General Liibaan Yarow aya warbaahinta u xaqiijiyey in dilka  ay maxkamada fulisay kaas oo ahaa mid mudo soo jiitamaya in ka fuliyo dilka ninkaan ku eedeysnaa qarixi soobe .

Isaaq ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa Qaraxii masiibada ahaa ee shacabka Somaliyed lagu laayay 14-kii October.

Sikastaba ha ahaate waxaa Maanta sanad  laga joogaa qaraxii Zoobe oo maanta ku beegan taas oo umadda soomaaliyeed murugo iyo uur ku taalo u noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.