Home Afsomali Dil toogosha ah oo laguy xakumay 3 nin oo la sheegay iney...

Dil toogosha ah oo laguy xakumay 3 nin oo la sheegay iney ka tirsanaayeen Kooxdii weerartay Hotel Naasa Hablood

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil ah ku riday 3 nin oo la sheegay iney ka tirsanaayeen Kooxdii weerarka xanuunka badan ku qaaday Hotel Naasa-hablood Laba ee degmada Xamar weyne ee gobalka Banaadir.

Maxkamadda ayaa sheegay in cadeymihii la helay ay muujiyeen in shaqsiyaadkaan ay ahaayeen rag ka mid ah kuwii gudaha u galay Hotel Naasa-hablood Laba ee degmada Xamar weyne oo ay ku dhinteen in ka badan 30 Ruux oo ay ku jireen Carruur iyo Haween.

Weerarkii Naasa-hablood Laba ayaa dhacay 28-October 2017 waxa uuna ka mid noqday Weeraradii ugu xanuunka badnaa ee Soomaaliya soo mara waxaana dadkii markaas la dilay ka mid ahaa Canug yar oo 9 Bilood Jira oo ay toogtay kooxdii weerarka fulisay, weerarkaas ayaa sidoo kale ku beegnaa xili dalka oo dhan ka taagneed Tacsida Shacabkii lagu dhameeyay Weerarkii ugu xumaa Soomaaliya ee Zobe 14-October.

Masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ragaan la soo qabtay iyagoo ku guda jira Toogashadii shacabka xili dambe markii ay Ciidamada galeen Hoteelka Islamarkaana ay qirteen dambiyada lagu soo oogay waxaana mid kasta lagu xukumay dil toogasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.